faafaahin:Duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe

by admin | Monday, Dec 16, 2019 | 668 views

Duqeyntaan ayaa Fiidnimadii Caawa waxaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo kaashaneysa howlgalka Saaxiibada Mareykanka ay ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Dujumma oo qiyaastii 6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Saraakiil la tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in duqeyntaas lala beegsaday Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,Isla markaana lagu dilay duqeynta Xubin katirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen inaysan jirin qof rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartey duqeynta ka dhacday duleedka degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Hoose.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa inta badan waxaa ay duqeyn ka fuliyaan deegaano dhaca bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya,iyaga oo sheega inay ku dilaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response