Xiisado colaadeed oo saakay ka taagan bariga magaalada Laascaanood

by admin | Sunday, Aug 13, 2023 | 186 views

Xiisad dagaal ayaa saakay laga dareemayaa furimaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatuma.

Wararka aanu helayno waxay sheegayaan in labada ciidan ay madaafiic isku weydaarsanayaan bariga magaalada Laascaanood, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo.

Dhaqdhaqaaqydan ciidan ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii maamulka cusub ee SSC Khaatumo ay ku dhawaaqeen inay si degdeg ah usoo afjarayaan xaaladda Laaacaanood ayna labada ciidan isasii horfadhin doonin.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa ciidamo horleh kusoo  daabulay jiidaha dagaalka, iyagoo ka faaidaysanaya qalalaasaha ka taagan Somaliland, kaddib markii ciidamo katirsan ay ku dhawaaqeen jabhad, kuwaas oo dagaalo kula jira Xukuumada Somaliland.

Warar aan si dhab ah loo xaqiijin karin ayaa sheegayaan in Somaliland ay kala baxday qaar kamid ah ciidamadeedii ku sugnaa farriisinka Goojecadde, iyadoo ciidamadaas ugu talo gashay inay la dagaalamaan ciidamada jabhadda.

Like it? Share it!

Leave A Response