Xildhibaan Idiris Dhaqtar” Farmaajo waa lagaa raayaye is casil”

by admin | Saturday, May 1, 2021 | 321 views

Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya xilligaan aysan lahey mas’uul u damqanay, isla markaana qof walba uu wato dano u gar ah oo dadka dhibato ku ah.

Xildhibaanka oo Wariyeyaasha kula hadlayay Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegay in ay jiran Xubno mucaarad ah oo dhiiga dadka Soomaaliyeed ku doonaya madaxtinimo iyo Madax dano gaar ah wata oo dowladdo shisheeye u Shaqeeya.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayuu ugu baaqay in uu is casilo, si dalka loo badbaadiyo, loogana ilaaliyo in uu ka dhaco dagaal sokeeye.

“ Farmaajo waan kuu duceeyneeynaa ee usha iska dhig ee Maanta Baarlamaanka hortooda iska casilay, sharaf ayaad ku heleeysaa, waxaana ku leeyahay wax waad qaban weeysay oo waa lagaa raayaye fadlan is casil ayuu yiri” Xildhibaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response