Xildhibaan Jawaab ka dalbaday Madaxda Dowladda Federaalka

by admin | Tuesday, Jul 30, 2019 | 787 views

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu si kulul uu uga hadlay fashilka Amni ee xilligaan ka jira Magalada Muqdisho, isaga oo dhaliil u jeediyay Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayuu Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac ku sheegay in Madaxda dalka ay wajahaan culeyso farabadan,hayeeshee ay mas’uul ka yihiin inay la yimaadaan qorsho dhinaca amniga ah.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu xilligaan ku mashquulsan yahay xaalada Galmudug oo uu sheegay in uu ku jiro xalka Soomaaliya,balse markii uu dib ugu soo laabto Muqdisho laga sugayo isbeddel dhinaca Amniga oo loo baahan yahay.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu shalay soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu kaga hadlay qarixii ka dhex dhacay Xarunta Gobolka Banaadir,isaga oo sidoo kale sheegay in inta aan Villa Soomaaliya falal amni darro ka dhicin la beddelo Golaha Xukuumadda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response