Al-Shabaab oo ku weerartay ciidamo ka tirsan AMISOM deegaan u dhexeeya Jowhar iyo Balcad

by admin | Saturday, Jul 27, 2019 | 831 views

Dagaalamayaal ka mid ah Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku sugnaa meel u dhexeysa deegaanka Qalimow iyo Gololey oo ka tirsan degmada Balcad.

Weerarkan oo dhacay saaka ayaa la sheegay in iskahorimaad dhex maray labada dhinac uu geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee dalka Burundi ayaa ku dhintay iskahorimaadkan iyadoo aan la ogeyn qasaaraha soo gaaray dagaalamayaasha Al-Shababa ee weerarkan fuliyay.

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa fariisin ka sameystey meel u dhexeysa Qalimow iyo Balcad halkaas oo hore ay weeraro gaadmo ah ka geysan jireen Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response