Xildhibaan ka mid ahaa Golaha Shacabka oo Muqdisho ku geeriyooday

by admin | Saturday, Apr 18, 2020 | 471 views

Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor dhow ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho sidda ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray Isbitaallo kala duwan oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Waxaa ku kacday Sokorta waxaana la dhigay Isbitaalka Digfeer oo ugu dambeyntii markii la xiray loo badalay Isbitaalka Yardiimi.

Aadan ayaa ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanada laga soo doorto degaanada maamulka Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response