Puntland oo joojisay in Salaadda Jamaacadda Masaajida lagu tukado{Akhriso}

by admin | Saturday, Apr 18, 2020 | 533 views

Maamulka Puntland ayaa soo saaray Amar lagu joojinaayo in Salaadda Jimcaha iyo Jamaacadda lagu tukado Masaajidda ku yaalla Magaalooyinka maamulka Puntland inta uu socdo faafitaanka Cudurka Covid 19.

War Saxaafeed kasoo baxay Guddiga loo xil saaray Corona Virus ayaa lagu xusay in sidoo kale ay tilaabo adag ay ka qaadi doonto dadka sidda dhuumaaleysiga ah kusoo galiya degaanada maamulka Puntland Qaadka.

War Saxaafeedka ayaa lagu xusay in dhammaan degaanada maamulka Puntland uu ka hirgalay Bandow si looga hortaggo Cudurka Corona Virus.

Go’aanka maamulka Puntland ee joojinta isugu imaantinka Masaajidda ayaa hirgalin , waxaana la faray Hay’addaha Ammaanka maamulka Puntland in ay hirgaliyaan sidda ugu dhaqsiyaha badan.

Like it? Share it!

Leave A Response