Xildhibaano iyo Madaxweynaha Galmudug oo kulamo ka wadda Baydhabo

by admin | Saturday, Apr 9, 2022 | 322 views

Ku dhawaad 10 Xildhibaan oo ka tirsan golaha Shacabka iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa xalay iyo saaka kulamo ku saabsan khilaafka ka taagan doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ee maamulka Koonfur Galbeed la yeeshay Madaxweynaha maamulkaasi.

Kulamaddan ayaa inta badan diirada lagu saaray Afar kursi oo guddiga doorashooyinka heer Federaal uu dhawaan sheegay in lagu celinaayo balse ay diideen maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Qoorqoor iyo xildhibaanada la socda oo ah kuwo si weyn ugu dhow ra’iisul wasaare Rooble ayaa la sheegay ka hor inta aysan go’aan qaadan in ay imaan doonaan Muqdisho ayna la kulmi doonaan  guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Mas’uuliyiinta tagay Baydhabo ayaa la sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ku qancinayaan in uu yimaado magaalada Muqdisho uuna soo fasaxo xildhibaanada ka dibna la raadin doono xal.

Like it? Share it!

Leave A Response