Xilliga la qabanayo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka & Aqalka Sare oo la shaaciyay

by admin | Monday, Apr 18, 2022 | 401 views

Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka & Aqalka Sare ayaa waxaa ay maanta soo saareen jadwalka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo la qabanayo dabayaqaada bishaan Apriil.

Guddoomiyeyaasha KMG ah ee labada Aqal ayaa shaaciyay in Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay dhici doonto 27 Abril 2022, halka guddoomiyaha golaha aqalka sare la dooran doono 26 ka Abril 2022.

Dhinaca kale waxaa jiray Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo diidanaa jadwalka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee maanta lagu dhawaqay, kuwaas oo doonayay in dib loo dhigo.

Like it? Share it!

Leave A Response