Xujeey ku geeriyootay dab ka kacay Hotel ku yaalla Magaalada Maka Al-Mukarama

by admin | Sunday, May 21, 2023 | 312 views

Ugu yaraan 8 Muwaadin oo Pakistani ah ayaa geeriyootay, 6 kalena wey ku dhaawacmeen, Karin, dab xooggan oo ka kacay Hotel ay ka deganaayeen magaalladda Barakaysan ee Maka Al-Mukarama ee dalka Sacuudiga.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Pakistan ayaa lagu xaqiijiyey dhacdadaasi, iyadoo dadka geeriyooday ay ka mid ahaayeen Kumanaanka qof ee Waajibaadka Cumrada u tegay Sacuudiga.

Wafdi Pakistani oo ku sugan magaalladda Jeddah ayaa la xiriiray Dowladda Sacuudiga, si loo caawiyo Qoysaska Dhibanayaasha.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Haweeneyda Wasiirka Warfaafinta ka ah dalka Pakistan, Marriyum Aurangzeb ayaa sheegtay inuu RW Shebhaz Sharif ku amray Wasaaradda Arrimaha Diinta inay gudbiyaan in si Wanaagsan loo daaweeyo dadka ku dhaawacmay dabka ka kacay Hotel ku yaalla Sacuudiga.

Dhanka kale, Duullimaadkii u horeeyey ee Xujeeyda dalka Pakistan ayaa saakayto ka degtay magaalladda Barakaysan ee Madiinatul Munawara.

330 Xujeey ayaana la socotay Duullimaadkaasi oo Saqdii Dhexe ee xalay ka soo duulay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Jinnah International Airport oo ku yaalla magaalladda Karachi ee dalkaasi.

Shirkadda Diyaaradaha ee Pakistan International Airlines (PIA)waxay sheegtay inay Hawlgalada daabulista Xujeeyda u adeegsan doonaan Diyaaradaha Boeing 777 iyo Airbus 320.

Like it? Share it!

Leave A Response