Xuutiyiinta oo duqeeyay Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh

by admin | Thursday, Apr 1, 2021 | 315 views

Qoraal uu Afhayeenka Kooxda Xuutiyiinta Yemen, Kolonel Yaxya Sariic soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Waaberigii hore ee maanta duqeeyeen waxa uu ugu yeeray goobo muhiim oo Xasasi ah oo ku yaalla magaalladda Riyadh, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inay 4 Diyaaradaha Darooniska ay u adeegsadeen Duqeymahaasi.
Afhayeenka ma bixinin faahfaahin dheeraad ah, mana jiraan war ay Isbahaysiga Sacuudiga ka soo saareen Sheegashadaasi.
Kooxda Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iran taageerto waxay Isbuucyadii la soo dhaafay fuliyeen Duqeymo Madaafiic iyo Diyaaradaha Darooniska oo lala beegsaday goobo ku yaalla dhulka fog ee gudaha xuduudka dalka Sacuudiga.

Like it? Share it!

Leave A Response