100 maalin kadib, halkuu ku dambeeyey baaritanka dilkii Almaas Elman Cali?

by admin | Monday, Feb 24, 2020 | 453 views

20-kii November 2019,  waxaa xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho lagu dilay Almaas Elman Cali Axmed oo aheyd gabar kasoo jeedo qoys u doodo xuquuql insaanka, taasi oo ay u dhacday xabad aan illaa iyo hadda la ogeyn cidda soo ridday.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay xabaddii ku dhacday Almaas. Warar qaar ayaa sheegay inay ahayd xabad si kam ah ugu dhacday oo aan la aqoon halka ay ka timid.

Kuwa kale, ayaa sheegay in markii laga soo saaray xabadda ay noqotay mid ka mid ah rasaasta ciidamada AMISOM, balse weli xaqiiq lama hayo, waxayna qoyskeeda codsadeen inaan laga hor-dhicin baaritaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa is isku mid ah u sheegay dilkaas kadib inay sameynayaan baaritaan ku aadan dilkaas.

21 November 2019, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay gal dacwadeed ka fureen laanta dambi baarista ee Muqdisho, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo dilka loo geystay Almaas Elman.

Baaritaanka dilka Almaas oo ka dhacay gudaha xerada Xalane ayuu Taliye Cabdi Xasan Maxamed sheegay in khubarro iyo saraakiil aqoon durugsan u leh baari doonaan.

22 November 2019, Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kasoo saaray dilka ALmaas Elman loo geystay gudaha Xalane.

AMISOM Waxa ay xaqiijisay in xabad ay ku dhacday Almaas xilli ay kasoo baxday shir ay uga qeyb gashay Xalane, islamarkaana ay dooneysay in ay aado garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ay saarneyd kursiga dambe ee gaariga , darawalkii iyo ruuxii kale ee la socdayna aysan waxba gaarin.

“AMISOM waxay si wada jir ah ula shaqeyneysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay si buuxda ugu baaraan geerida naxdinta laheyd ee ku timid Marwo Almaas Elman Cali Axmed, oo ku dhacday rasaas 20-kii November ka dhacday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay AMISOM.

Haddaba, Dilkaas waxaa laga joogaa muddo ku dhow 100 Maalin, illaa haddana Dowladda iyo Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM sooma bandhigin natiijada baaritaanka dilkii Almaas Elman iyo cidda dishay.

Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxaa horey ugu maqan dhawr kiis oo la sheegay in baaritaan la geliyey, balse aan dib dambe loo arag natiijada kasoo baxday iyo halka ay ku dambeeyeen.

Dilka Almaas Elman ayaa shaki weyn dhaliyey, maadaama uu ka dhacay meel si weyn ammaankeeda loo ilaaliyo, waxaana la rumeysan yahay inuu ahaa dil qorsheysan oo si ku talagal ah loo fuliyey.

Like it? Share it!

Leave A Response