DF oo ‘qaadatay’ dhagaxii qaaliga ahaa kadib markii lagu iibiyey 264,000 dollar

by admin | Monday, Feb 24, 2020 | 500 views

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamanka maamulka Hir-Shabeelle oo shir jara’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in dadkii lahaa lagu wareejiyo “dhagax qaali ah” oo laga helay deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan.

Dhagaxaan ayaa waxaa la sheegay in markii hore ay heleen dadka deegaanka Ceel-Cali, kadibna ay Al-Shabaab xoog uga qaateen, iyagoo laba ruux ka dilay, kuwo kalena ka dhaawacay dadkii helay dhagaxaas.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibanada qabtay shirkaas jaraa’id, deegaan doorashadiisuna tahay gobolka Hiiraan, ayaa sheegay dad ganacsato ah ay Al-Shabaab Dhagaxaas uga soo iibsadeen lacag dhan $264,000, (Labad boqol lixdan iyo afar kun oo dollar).

Dhagaxaas ayuu sheegay Xildhibaan Jeesow in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku qabteen deeganka Siinka-Dheer ee koonfurta Muqdisho, sidaasna ay kula wareegeen.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa madaxda dowladda federaalka ka dalbaday in ay dib ugu celiyaan dadkii lahaa Dhagaxaas oo si xoog ah ay Al-Shabaab uga qaateen, lacagta intaas la egna uga iibsaday dad ganacsato ah.

Xildhibaan Maryan Axmed Haaruun ayaa si lamid ah iyaduna dalbatay in maadaama dhalinyaro badan lagu dilay dhagaxaas ay dowladdu ku wareejiso dadkii lahaa, iyadoo si gaar ah baaqaan ugu dirtay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Dhankiisa guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa ciidamada maamulka Hir Shabeelle ugu baaqay in ay ka hor tagaan dadka qaadanaya kheyraadka deegaanada maamulka, waxuuna dowladda federaalka uga mahad celiyey sida ay gacanta ugu dhigeen dhagaxaas laga helay deegan ka tirsan Hir-Shabeelle.

“Cidii Shabaab kala macaamisha kheyraadka dalka Shabaab ayey lamid tahay” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre.

Like it? Share it!

Leave A Response