Canada oo Shirkadda Meta ku qasabtay xayiraadda wararka lasoo dhigo Facebook & Instagram.

by admin | Friday, Aug 11, 2023 | 127 views

Dowladda Kanada (Canada) ayaa dhaqangelisay sharciga lagu xayirayo wararka lasoo dhiga Facebook iyo Instagram oo ay leedahay shirkadda META si aanay Dadka Dalkaas aanay u arkin sida ay ku warrantay Warbaahinta gudaha & tan caalamiga ah.

Canada waxa ay META ka dalbatay in ay bixiso lacago si loola socdo wararka iyo warbixinnada lasoo dhigo barta Shirkaddaan leedahay balse sharcigaas way dhaqangelin waysay Meta oo waxaa ugu dambeyn dhaqangalay go’aankaas.

Teknoolajiyadda oo saameyn taban ku reebtay warbaahinta kale ayay Dadku ku qasban yihiin in ay dib u daawadaan, u aqristaan ama u dhageystaan si aanay suuqa ka bixin warbaahinteeda sida lagu caddeeyay ujeedadeeda.

Wararka Kanada (Canada) ka imaanaya ayuu maamulka Shirkadda Meta joojisay oo lagama arki doonno, sidaas oo kale muwaadiniinta Kanadiyaanka ah ma arki doonnaan wararka dibadda ama gudaha ah.

Qaar kamid ah Dadka ku nool Canada oo Soomaalidu qayb ka tahay ayaa sheegay in Dalkooda asalka ah ay kala socdeen Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook & Instagram oo ilbiriqsi weliba ka helayay xogo dheeraad ah.

Dad badan ayaa ku doodaya in arrintaan ay tahay mid indhaha iyo dhegaha looga qabanayo Bulshada si aanay u helin wararka la isugu kala gudbiyo baraha Bulshadu ku kulanto gaar ahaan Facebook iyo Instagram oo ay leedahay Shirkadda Meta.

Shakhsiyaadka qaar ayaa ku dooday in ay ku qasbanaan doonnaan in ay dib ugu laabtaan qaabkii horay ay u heli jiraan wararka, warbixinnada iyo dhacdooyinka kala duwan si ka duwan nidaamka casriga ah ay u helaan Dadka ku nool waddamada ka baxsan Canada.

Like it? Share it!

Leave A Response