Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanada Ruunirgood iyo Hilowle gaab

by admin | Saturday, Aug 12, 2023 | 148 views

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciimanada dowladda fedaraalka Soomaaliya ay saakay Al-shabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaanada Ruunirgood iyo Hilowle gaab.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay haatan ka gudaha deegaanada Ruunirgood iyo Hilowle gaab ay ka wadaan howlgalo ay ku xaqiijinayaan amaanka deegaanadaas.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda ayaa saacadahii lasoo dhaafay ku sugnaa hareeraha deegaanadan oo ay saakay ugu dambeyn la wareegeen, waxaana halkaas ku sugnaa mudooyinkii dambe kooxda Al-shabaab, mana la sheegin wax khasaare iyo iska hor imaad ah oo ka dhacay deegaanadaas.

La wareegista deegaanadaan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ka wadaan deegaanada Al-shabaab kaga sugan yihiin maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response