Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo kawada hadlay wajiga labaad ee dhimista ciidamada ATMIS

by admin | Saturday, Aug 12, 2023 | 129 views

Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaaliya (CDF), Jen. Ibraahim Sheekh Muxuyidiin ayaa la kulmay saraakiil sare oo katirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa diirradda lagu saaray geeddi socodka xaaladda kala guurka amni ee Soomaaliya, gaar ahaan wajiga labaad ee soo socda ee dhimista ciidamada ATMIS.

Intii uu socday kulanka madaxa xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Akacyira ayaa waxay xaqiijisay sida ay uga go’an tahay UNSOS in ay u fidiso taageero dhinaca saadka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa isku xirka fulinta Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687(2023), Kaasoo sheegaya waajibaadka bixitaanka ciidamada ATMIS.

Kulankan ayaa yimid, iyadoo dowladda Soomaaliya isku diyaarinayso dhameystirka wajiga labaad ee howlgalka xoraynta degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Dhuusomareeb, halkaas oo noqotay taliska laga hagayo dhameystirka wajiga koowaad ee howlgalka iyo bilowga wajiga labaad.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero dhinaca Saadka ah uga baahan saaxiibada caalamiga ah oo ay QM ugu horrayso, si ay ciidamada Soomaaliya awood ugu yeeshaan inay Alshabaab ka xorreeyaan degaanada ay maamulaan.

Like it? Share it!

Leave A Response