Somaliland oo sheegtay in 9 askari lagu dilay weerarkii shalay jabhada Gacanlibaax ku qaaday booliiska

by admin | Saturday, Aug 12, 2023 | 134 views

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in 9 askari lagu dilay weerar ay jabhada buurta Gacan-libaax ku qaaday ciidan booliis ah oo ku socday degmada Go-dayar ee gobolka Saaxil.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in weerar gaadmo ah ciidanka lagu qaaday.

“Ciidan booliis ah oo Goda-yar u socda ayay dhexda u galeen, iyaga oo tiro xoogan ah ayay dhexda u galeen, ciidankii oo iska baraadla ayay laayeen, 9 askari ayay dileen, 17 askarina way dhaawaceen” Taliye Dabagale ayaa sida yidhi.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanku anay qabin wax cabsi colaadeed ah, isla markaana anay qabin amar ay ku dagaalamaan, oo ay safar ku jireen markii la weeraray, isaga oo hada ciidanka amar ku siiyay in ay talaabo qaadaan.

“Madaama imika arrintaasi dhacday oo ciidankii booliiska la laayay, ciidanka waajibaad kiisu waxa weeyaan in uu isna is difaaco, qaranimadana difaaco, laga bilaabo imika ciidanka booliisku waxa uu amar ku qabaa in uu nimankaa talaabada ku haboon ka qaado” ayuu yidhi Dabagale.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa isaguna sheegay in ay talaabo u qaadi waayeen codsi uga yimid salaadiinta iyo ganacsatada awgeed, isla markaana Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayuu ku eedeeyay in dadaaalka nabadu uu xagiisa ka socon waayay.

Cirro oo xalay warbaahinta kula hadlay Borama, ayaa ku baaqay in xaalada nabad lagu dhameeyo, isaga oo jabhada hubaysana ugu baaqay in ay hubka dhigto.

Like it? Share it!

Leave A Response