Dhul-giriir ka dhacay gudaha Turkiga iyo khasaaraha ka dhashay

by admin | Saturday, Aug 12, 2023 | 93 views

Ugu yaraan 23 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dhul-gariirkii ka dhacay Gobalka Malatya ee Bariga dalkaasi Turkiga.

Dhul-gariirka dhacay ayaa Halbeegiisu ahaa 5.2 Richter Scale, iyadoo ubucda Dhul-gariirku ahaa deegaan 11 KM dhanka K/Galbeed ka xiga magaalada Malatya oo Hoy u ah dad tiradoodu dhan tahay 441,000 oo qof.

Qoraal uu Wasiirka Caafimaadka ee Turkiye , Fahrattin Koca soo dhigay Barta Bulshada ee X Social Media (Twitter) ayaa waxa uu xusay inay 23 qof dhaawacmeen, kadib, markii ay ka soo boodeen daaqadaha Dhismayaashii ay deganaayeen, si ay uga baxsadaan Khasaaro ka soo gaaro Dhul-gariirka.

Dhanka kale, Hay’adda Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka Degdega dalka Türkiye (The Disaster and Emergency Management Authority (AFAD) waxay xaqiijisay inuu Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 5.3 Richter Scale uu xalay ka dhacay Gobalka Malatya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiye, Ali Yerlikaya waxa uu isna sheegay in Gurmad Wadajir ah la diray, kadib,  Dhul-gariirkii xalay.

Waxa uu xaqiijiyey inaysan jirin dhimasho la soo weriyey,  balse ay ku dhaawacmeen 22 qof oo iska soo tuuray Dhismayaasha, si ay uga badbaadeen Dhul-gariirkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response