Maamulka degmada Balcad ee Gobalka Shabellaha dhexe ayaa galinkii dambe ee Maanta xabsiga u taxaabay Wariye C/laahi Alcadaala ka dib markii uu Gudoomiyaha Degmada Qaasim Cali Nuur uu amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo. Xariga wariyaha ayaa yimid ka dib markii uu ku daabacay bartiisa facebookga shaqaaqo shalay ka dhacay degmada taas oo maamulka uu aad uga carooday.
Wariye Alcadaala ayaa saake xafiiskiisa ugu tagay Gudoomiyaha iyadoo ciidamo ilaalo u ahaa ay ugu hanjabeen wariyaha in ay dilayaan hadii uu mar kale ka hadlo arimaha Amniga Magaalada sida uu manta bartiisa facebook uu Wariyaha Mar kale ku qoray
War Qoraal ah oo ka soo baxay umbrella for rights of journalists in hiiraan region dalada udooda xuquqada suxufiyiinta gobolka hiiraan. ayaa lagu sheegay in ay ka xuyihiin xariga loo geystay wariye C/laahi Maxamed Xasan Alcadaala waxaa ugu baaqaynaa Maamulka Magaalada Balcad in si shuruud la,aan ay ku sii deeyo Wariyaha. Hirshabelle ayaa mudadii yareed oo ay jirtay waxaa ay si joogto ah ugu xad gudbeysay wariyaasha ka howlgala Gobalada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe
Waxaana ay sheegeen mas’uuliyinta daladaan in ay tahay wax laga xumaado in laxero wariye aan loo soo marin wax sharci ah xeritaankeeda.
sidoo kale waxaa ay sheegeen in in mas.uuliyin ka tirsan in hirshabeea ay ku lugyeshen tacadiyadii ka dhacay hirshabeele sanadkaan waxaana ay shegeen in dhawaan ay soo bandhigi doonaan warbixino iyo codad hanajabaad ah,
Dunidaan casriga ah ee aynu ku nool nahay waligeed waxaa horseed iyo hormuud u ahaa saxaafada . Soomaalida waxay tiraahdaa “warbaa ugu gaajo kulul” taasoo marqaati ka ah in saxaafadu ay ka mid tahay baahiyaha koowaad ee aadanahu ubaahanyahay in laga haqab tiro.
dalada u dooda xuquuqda suxufiyiinta gobolka hiiraan’
wa xaa la aasaasay bishii jan 2014 si kor loogu qaado loona ilaaliyo xoriyadda saxaafadda iyo danaha suxufiyiinta,
Burburkii dowladii dhexe ee Somalia kadib dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax banaan oo isku howshay soo tabinta warar iyo barnaamijyo wax tar u leh bulshada.