RW Kheyre oo runta ka sheegay in Halis ka jirta Hay’adaha Dowladda darteed looga adkaan karin Al-Shabaab

by admin | Monday, Apr 23, 2018 | 1088 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in xukuumadiisu ay ka go’an tahay la dagaalanka musuq maasuqa si Bulshada Soomaaliyeed ay u helaan cadaalad.
Isaga oo ka qeyb galayay munaasabad lagu daahfurayey  barnaamijka tirakoobka shaqaalaha dowladda ayaa waxa uu sheegay in hadii aan lala dagaalamin musuq maasuqa aan laga adkaan Karin Al-Shabaab.

“hadii aan musuq maasuqa lala dagaalamin horumar gaari meyno hadii aan musuq maasuqa lala dagaalamin Al-Shabaab ka adkaan meyno, hadii aan musuq maasuqa lala dagaalamin haweenkeenu cadaalad heli maayaan, hadii aan musuq maasuqa lala dagaalamin dhalinyaradu xaqoodu heli maayaan si lamid ah Ganacsatu heli maayaan ammaano ay Canshuurta ku bixiyaan waa muhiim in aad qeyb ka noqotaan la dagaalanka musuqu maasuqa si loosoo celiyo sharaftii iyo karaamadii Ummadda Soomaaliyeed,isla markaana xaquuqdii aad laheydeen aad weeydiisataan dowladiina ayuu yiri kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowr mar ku cel celiyey in Xukuumadiisu ay la dagaalameyso musuq maasuqa,balse hadana waxaa weli jira cabasho dhanka Bulshada ka imaaneysa oo ku saabsan musuq maasuq ka dhexjira Hay’adaha dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response