War qoraal ah oo ka soo baxay dalada u dooda xuquuqda suxufiyiinta gobolka hiiraan ayaa lagu canbaareeray xariga Wariye C/laahi Alcadaala

by admin | Monday, Apr 23, 2018 | 1210 views

Maamulka degmada   Balcad ee Gobalka Shabellaha dhexe ayaa galinkii dambe ee Maanta xabsiga u taxaabay Wariye C/laahi Alcadaala ka dib markii uu Gudoomiyaha Degmada Qaasim Cali Nuur uu amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo. Xariga wariyaha ayaa yimid ka dib markii uu ku daabacay bartiisa facebookga shaqaaqo shalay ka dhacay degmada taas oo maamulka uu aad uga carooday.

 

Wariye Alcadaala ayaa   saake xafiiskiisa ugu tagay Gudoomiyaha iyadoo ciidamo ilaalo u ahaa ay ugu hanjabeen wariyaha in ay dilayaan hadii uu mar kale ka hadlo arimaha Amniga Magaalada sida uu manta bartiisa facebook uu Wariyaha Mar kale ku qoray

http://www.hiiraanweyn.net/wp-content/uploads/2018/04/

War   Qoraal  ah oo   ka soo baxay umbrella for rights of journalists in hiiraan region   dalada udooda xuquqada suxufiyiinta gobolka hiiraan.   ayaa lagu sheegay in ay ka xuyihiin xariga loo geystay  wariye C/laahi Maxamed Xasan Alcadaala waxaa   ugu baaqaynaa   Maamulka Magaalada Balcad in si shuruud la,aan ay  ku sii deeyo Wariyaha. Hirshabelle ayaa mudadii yareed oo ay jirtay waxaa ay si joogto ah ugu xad gudbeysay wariyaasha ka howlgala Gobalada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe

 

 

Waxaana ay sheegeen mas’uuliyinta   daladaan in ay tahay wax laga xumaado in laxero  wariye  aan loo soo marin wax sharci ah xeritaankeeda.

 

sidoo kale waxaa  ay sheegeen in    in mas.uuliyin ka  tirsan   in hirshabeea   ay ku lugyeshen    tacadiyadii  ka  dhacay  hirshabeele  sanadkaan   waxaana ay shegeen in  dhawaan ay  soo  bandhigi doonaan   warbixino iyo codad    hanajabaad ah,

 

Dunidaan casriga ah ee aynu ku nool nahay waligeed waxaa horseed iyo hormuud u ahaa saxaafada . Soomaalida waxay tiraahdaa “warbaa ugu gaajo kulul” taasoo marqaati ka ah in saxaafadu ay ka mid tahay baahiyaha koowaad ee aadanahu ubaahanyahay in laga haqab tiro.

 

dalada u   dooda   xuquuqda suxufiyiinta gobolka hiiraan’

wa xaa la aasaasay bishii jan 2014 si kor loogu qaado loona ilaaliyo xoriyadda saxaafadda iyo danaha suxufiyiinta,

 

Burburkii dowladii dhexe ee Somalia kadib dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax banaan oo isku howshay soo tabinta warar iyo barnaamijyo wax tar u leh bulshada.

Like it? Share it!

Leave A Response