R.W Abiy Ahmed oo maanta la kulmaya hoggaanka siyaasadda DDSI

by admin | Friday, Aug 24, 2018 | 979 views

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa maanta la qorsheynayaa inuu la kulmo 1,000 qof oo ah Soomaalida ku nool dalka Itoobiya, si gaar ah wuxuu ula kulmayaa hoggaanka siyaasadda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Dadka uu la kulmayo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa intooda badan waxa ay ku sugan yihiin Addis Ababa, waxaana laga soo uruuriyey deegaannada Soomaalidu degto ee Itoobiya.

Lama shaacin waxyaabaha uu kala hadlayo Abiy Axmed Soomaalida, balse waxaa la fahansan yahay inay la xiriirto xaalada iyo isbeddellada ka socda Dowlad deegaanka Soomaaliada Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa maalmo kahor ku hanjabay inuu gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah dalkaasi, kadib markii hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka u soo jeediyeen inuu wax ka qabto qul-qulatooyinka jira.

Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa maalin kahor Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Sida muuqata waxaa yaraaday xasaradihii ka dhex aloosnaa Soomaalida Itoobiya iyo Oromada, waxaana imminka billowday in Kumanaan qof oo ka soo cararay rabshadaha kuna sugnaa Waqooyiga Soomaaliya iyo Jabuuti ay dib ugu laabtaan degaannadoodii hore.

Like it? Share it!

Leave A Response