Xildhibaano ka hadlay xiisada degmada Buulo-Burde

by admin | Thursday, Dec 5, 2019 | 855 views

Maalmihii la soo dhaafay waxaa degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ka jiray xiisado siyaasadeed iyo banaanbax uu ku dhintay hal Ruux laba kalena ay ku dhaawacmeen,waxaana xiisadaas ka hadlay Xildhibana ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa sheegay inay tahay wax lag xumaado waxa ka socda Buulo-Burde iyo khasaaraha dhimasho ee ka dhacay.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in madaxda Hir-Shabeelle ay tixgeliyaan cabashada dadka Reer Buulo-Burde,hayeeshee cabashadooda aan xabad loogu bedelin.

Isaga oo sii hadlayay Xildhibaanka ayuu shegya in Madaxda Hir-Shabeelle ay kala hadleen xiisada ka taagan Buulo-Burde sidoo kalena uu ugu baaqay Odayaasha & Waxgaradka degmadaas in waxkasta oo jira lagu dhameeyo wada-hada.

Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kazoo horjeesteen Maamul Cusub oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle u Magacaawday degmadaas,iyaga oo sheegay in Hir-Shabelele ay dhibaato ka dhex-abuureyso Bulshada degmada Buulo-Burde.

Like it? Share it!

Leave A Response