Waare oo sheegay in ay soo gaareen lacagtii dowladda ballanqaaday Sanad ka hor{AKHRISO}

by admin | Monday, May 11, 2020 | 467 views

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay soo gaareen lacagihii dowladda Soomaaliya u ballanqaaday gurmadka Magaalada Beledweyne Sanad ka hor.

Waxaa uu sheegay in lacagtaan looga qeyb qaadan doono sidii biyaha looga xiri lahaa Magaalada.

Madaxweyne Waare ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne.

Shacabka Magaalada Beledweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay bilaabay in ay si isxilqaan ah in ay u xiraan biyaha ka dib markii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeele ay ku fashilmeen in ay bixiyaan lacagihii gurmadka loogu tala galay.

Like it? Share it!

Leave A Response