AMISOM oo billowday baaritaan la xiriira dilka dadkii rayidka ahaa

by admin | Thursday, Aug 12, 2021 | 236 views

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay inay billaabeen baaritaan ku saabsan dhacdadii lagu dilay todoba qof oo rayid ah, taas oo dhacday deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka shacabka ah ee toogashadooda lagu eedeeyay AMISOM ayaa u badnaa beeraley, sida ay  xaqiijiyeen dad goobjoog u ahaa dhacdadan.

AMISOM ayaa sheegtay in deegaanka Golweyn ay dagaal kula galeen Xubno ka tirsan Ururka Al-shababaab oo weerar ku soo qaaday koloyo gaadiidkooda ah.

Natiijada ka soo baxda baaritaankan ayay AMISOM sheegtay inay u soo bandhig doonto.

Dadka ay dileen Ciidamada AMISOM iyo kuwa ay dhaawaceen ayaa waxaa la la keenay Magaalada Muqdisho habeen ka hor,waxaana dowladda Soomaaliya ay ka dalbadeen in Cadaalad loo raadiyo dadkooda.

Like it? Share it!

Leave A Response