Ciidanka Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay khamri & Dadkii watay

by admin | Thursday, Aug 12, 2021 | 340 views

Howgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal, ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen khamri farabadan iyo dad la sheegay inay ka ganacsanayeen.

Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle Laba xiddigle, Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad (Miig) ayaa sheegay in howlgalka uu sigaar ah uga dhacay degaanka Maygaagle,oo xiga dhanka xadka Itoobiya, isla marlaana lagu soo qabtay in ka badan 570 dhalo oo khamri ah.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalka lagu qabtay Afar Ruux oo khamrigaas waday, sidoo kalena xilliga uu howlgalka dhacayay ay iska cabin kala kulmeen Ciidamada raga khamriga waday, isla markaana mid kamid ah ay dhaawaceen Ciidamada.

Ugu dambeyn Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle Laba xiddigle, Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad (Miig) ayaa sheegay in raga khamriga inay ka Ganacsanayeen lagu soo qabtay Maxkamad la horgeyn doono si sharciga loo marsiiyo.

Ciidamada Booliska Maamulka Puntland ayaa waxaa ay dhowr jeer meelo kala duwan ku qabteen khamri farabadan oo la soo gelinayay Magaalooyinka Maamulkaas, kuwaas oo goobo fagaaro ah ay ku gubeen.

Like it? Share it!

Leave A Response