Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay tahay in dalalka Sweden iyo Finland inay dib ugu soo celiyaan dalkiisa Turkiga, illaa 130 qof oo ay xukuumadda Ankara ay la xiriirineyso falal argagixiso, Madaxwryne Erdogan ayaa shuruud uga dhigay labada dal inay raggaas u soo gacan geliyaan ka hor inta aan baarlamaanka Turkigu aanu ansixinin ku soo biiritaankooda...

Xafiiska la taliyaha sharciga ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay Isniintii inaanu jirin wax ku saabsan ‘diiwaanka martida’ oo yaalla guriga madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware. Arrintan ayaa daba socotay, ka dib markii uu mudane ka tirsan xisbiga Jamhuurigu uu codsaday in lala wadaago diiwaanka martida booqatay guriga Madaxweyne...

Weerar ku billawday gawaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa saakay aroortii waxa ay ‘AS’ ku qaadday deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 20 KM u jirta Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe DG Hir-Shabeelle. Dagaalka ayaa saacado socday waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac & mid maaliyadeed inkasta oo aan lagu sameyn tira-koob rasmi ah oo...

Wasiir Warfaafinta DG Galmudug Abshir Cabdi Shiikhow oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaanno katirsan Koofurta Gobolka Mudug si gacanta Dowlad-Goboleedkaas dib loogu celiyo deegaannada ka maqan. Wasiir Abshir waxa uu sheegay in Ciidamada Federaalka, Daraawiishta & Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay horumar ka sameeyeen...

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka daah-furaya Shirka Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed oo abaabulkiisa muddooyinkii dambe ka socday xarunta Gobolka Bay. Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo uu kamid yahay Agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa tegay Magaalada Baydhabo si uu u abaabulo soo dhaweynta...

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray mas’uuliyiin iyo Shacab. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay u sheegeen in Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in lagu weeraray fariisin Ciidamada dib u xoreynta Gobolka Hiiraan kuleeyihiin...

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacay degaano katirsan Gobolka Galgaduud, taas oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab. Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay duqeeyeenSaldhgyo ay Al-Shabaab kulahaayeen degaano hoostaga Degmada Galcad, gaar ahaan Halka loo yaqaano Ceel Xasan Cali...

Wafdi ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha uuna hoggaaminayey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir heerkiisu sarreeyo uga qeyb galay magaalada Abu Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Wasiirka ayaa warbixin Ka siiyay dowladaha iyo Hay’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay heerka ay mareyso Soomaaliya ee arrimaha...

Ruushka ayaa gantaalo tiro badan ku weeraray gabi ahaan dalka Ukraine, iyada oo la soo sheegayo gantaal ku habsaday dhismo ku yaallay magaalada Snipro oo bariga dalkaasi ku taalla ay ku dhinteen 12 qof. Magaalooyinka uu Ruushka gantaalahaasi uu ku duqeeyey waxaa ka mid ah magaalooyin ay ka mid yihiin Kyiv, Kharkiv iyo Odesa. Dalka Ukraine intiisa badan waxaa hareeyeey...

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelman & qaar kamid ah Danjireyaasha Dalalka Midowgaas u jooga Dalka oo ay kawada hadleen la dagaalanka ‘AS’, Dhammeystirka Dastuurka, Deyn cafinta & Dimuqraadiyeynta. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Safiirada uu la kulmay kala hadlay...