Ruushka oo weeraro cusub ku qaaday magaalooyin katirsan Ukraine

by admin | Sunday, Jan 15, 2023 | 270 views

Ruushka ayaa gantaalo tiro badan ku weeraray gabi ahaan dalka Ukraine, iyada oo la soo sheegayo gantaal ku habsaday dhismo ku yaallay magaalada Snipro oo bariga dalkaasi ku taalla ay ku dhinteen 12 qof.

Magaalooyinka uu Ruushka gantaalahaasi uu ku duqeeyey waxaa ka mid ah magaalooyin ay ka mid yihiin Kyiv, Kharkiv iyo Odesa.

Dalka Ukraine intiisa badan waxaa hareeyeey mugdi kaddib markii ay gantaalaha Ruushka burburiyeen kaabayaasha korontada magaalooyin dhowr ah.

Mar sii horreysayna UK waxay sheegtay tiro Taangiyada ‘Challenger 2’ iney Ukraine u direyso si ay difaaceeda ugu xoojiso.

Like it? Share it!

Leave A Response