Midowga Yurub oo DFS ka gacansiinaya la dagaalanka ‘AS’, Deyn Cafinta & dhammeystirka Dastuurka.

by admin | Sunday, Jan 15, 2023 | 288 views

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelman & qaar kamid ah Danjireyaasha Dalalka Midowgaas u jooga Dalka oo ay kawada hadleen la dagaalanka ‘AS’, Dhammeystirka Dastuurka, Deyn cafinta & Dimuqraadiyeynta.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Safiirada uu la kulmay kala hadlay sidii doorkooda ay uga qaadan lahaayeen afarta qodob ee diiradda uu saaray inta kulankooda uu socday.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayuu Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in ay qabsadeen degmooyin katirsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u tilmaamay in meelo badan oo dhaca Gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan oo DG Hir-Shabeelle ah & Galgaduud iyo Mudug oo DG Galmudug ah laga qabsaday ‘AS’.

Safiirada tooska uga socday Midowga Yurub & waddamada ku bahoobay ururkaas ayaa ballanqaaday in Dowladda Soomaaliya ay ka gacansiinayaan taageerada ay u baahan tahay sida la dagaalanka ‘AS’, Dhammeystirka Dastuurka, Dimuqraadiyeynta & Deyn Cafinta.

Dowladda Federaalka ayaa ku howlan xoojinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’, waxaase barbar socda culeys ka dhashay arrimaha Bani aadamnimada ee loo sababeynayo isbaddelka cimilada oo dhowrkii sano u dambeeyay aanay da’in roobka, halka uu ku yaraa meelaha kooban uu gaaray.

Like it? Share it!

Leave A Response