Ciidamada Ammaanka DG Koofur Galbeed oo Baydhabo ka sameeyay howlgal Amni sugid ah.

by admin | Sunday, Jan 15, 2023 | 266 views

Ciidamada ammaanka DG Koofur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee Dowlad-Goboleedkaas ka sameeyay howlgallo isugu jiray Baaris & hubinta baraha lagu hubiyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka Koofur Galbeed oo hoggaaminayay howlgalka ayaa la kulmay saraakiisha & askarta ku sugan baraha lagu baaro Gaadiidka & Dadka la socda oo ay ka xog-dhageysteen sida ay u howlgalayaan.

Askarta & saraakiishooda ayay mas’uuliyiintaan ugu baaqeen in ay kordhiyaan howlgallada lagu sugayo amniga Magaalada Baydhabo oo dhowaan martigelineysa madax kala kala duwan oo ka qaybgaleysa shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed.

Maamulka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in la kordhiyay feejignaanta hay’adaha ammaanka, Howlgallada & Baarista Gaadiidka iyo Dadka la socda si looga hortago falal liddi ku ah amniga oo ka dhaca Magaaladaas.

Howlgallada Ciidamada Ammaanka DG Koofur Galbeed ayaa yimid kaddib markii dhowr jeer bam-gacmeed lagu tuuray qaar kamid ah baraha hubinta Gaadiidka ee Ciidamadu ku leeyihiin Magaalada Baydhabo.

Hay’adaha ammaanka DG Koofur Galbeed sooma bandhigin natiijada kasoo baxday howlgalkaan iyo kormeerka saraakiisha Ciidamada amniga qaabilsan & maamulka Magaalada Baydhabo ee wehliyay.

Like it? Share it!

Leave A Response