Erdogan oo ka dalbaday Sweden iyo Finland inay u soo gacan geliyaan 130 qof

by admin | Tuesday, Jan 17, 2023 | 231 views

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay tahay in dalalka Sweden iyo Finland inay dib ugu soo celiyaan dalkiisa Turkiga, illaa 130 qof oo ay xukuumadda Ankara ay la xiriirineyso falal argagixiso,

Madaxwryne Erdogan ayaa shuruud uga dhigay labada dal inay raggaas u soo gacan geliyaan ka hor inta aan baarlamaanka Turkigu aanu ansixinin ku soo biiritaankooda ururka NATO.

lama oga inay dalabkaas aqbali doonaan iyo inay diidi doonaan dowladaha Sweden iyo Finland, kuwaas oo xiriir fiican la leh dalkaasi Turkiga.

Like it? Share it!

Leave A Response