Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Kulmis ee magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Wararka...

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in asbuucii u dambeeyay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 4,792,  balse la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka. Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Puntland 10 Ruux, Gobolka Banaadir lix qof, jubbaland...

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa waxaa ay yeesheen wada-hadallo Khadka taleefoonka ah, iyad aoo ka wada hadlay xaalada gobolka gaar ahaana xiisada waqooyiga Itoobiya ka taagan. Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada ayaa dhiggiisa Itoobiya ka codsaday in xal loo helo colaada ka aloosay Waqooyiga Itoobiya...

Ciidamada difaaca Dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay hawlgallo qorshaysan ka fuliyeen dhulka buuraleyda silsiladda Golis ee ka tirsan Gobolka Bari. Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaminayay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab , sidoo kalena ay ku qabteen waxyaabo qarxa oo...

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dhowr jeer dhac loo geystay Gaadiid ay leeyihiin Soomaalida kunool Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka iyo dadka kale ee Ajaanibta ah. Goobaha qaar ee Gaadiidka laga dhacayay ayaa ahaa kuwo uu mashquul kajiray halka kooxaha Burcadda ah qaarkood ay yihiin kuwo hubeysan oo si awood ah kaaga qaadanaya Gaarigaaga. Ciidanka Booliiska...

Xiisada oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed ee wada dega Gobolka Galgaduud ayaa saaka waxaa ay ka taagan tahay  degaanka Turbi ee hoostaga Dagamada Balanbale ee Galgaduud. Shalay degaankaas waxaa ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed, waxaana dagaalkaas ku dhintay Saddex ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka kala tirsan maleeshiyaadka...

Gaari Nooca Xamuulka qaado ah oo ay saarnaayeen dad u muuqday inay ahaayeen Muhaajiriin ayaa ku dul-rogmaday Buundada ay marayeen Waddada weyn ee Koonfurta Mexico, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 53 qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Luis Manuel Moreno oo ah madaxa xafiiska difaaca madaniga ah ee gobolka Chiapas ayaa sheegay in ilaa...

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa ku baaqay In doorashada la hakiyo, shir wadatashi ahna la isugu yimaado. War Saxaafadeed ay soo saareen ayaa siddaan u qornaa: Golaha Midowg Murashaxiinta wuxuu mar walba u taagan yahay xaqijinta sidii ay dalka uga hirgeli lahayd doorasho hufan, daahfuran, natiijadeedana la isla ogol yahay. Goluhu wuxuu 30 November 2021 u caddeeyey shacabka...

Xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidan ka tirsan kuwa AMISOM. Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ahaa mid culus uu ku billowday madaafiic, waxaana xigay hub waa weyn oo ay iyaguna ku jawaabeen...

Taliyaha qaybta booliiska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Diri ayaa maanta oo khamiis ah gudoomiyey shir khamiiseedka ee saraakiisha booliiska gobolka bari kaas oo looga hadlay ama la iska wareystay amaanka guud ee gobolka bari iyo sidii markasta kor loogu qaadi lahaa xaaladaha amni. Taliyaha ayaa ayaa saraakiisha ka xog wareystay xaaladihii ugu danbayey ee amaanka...