Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhaawaqday  in ay dib u fureyso safaaradeeda Soomaaliya taasoo in muddo ah ku shaqeynaysay meelo ka baxsan Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha debadda sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliya uga mahacelisay kaalinta ay ka qaadaneyso in dib loo furo safaaradda Sacuudiga ee Muqdisho. Wasiirka arrimaha debadda ee Sacuudiga waxaa sido kale ay sheegtay ...

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa 8 milyan oo doolar uga qoondeeyay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdega ah ee dhexe si wax looga qabto abaaraha ka jira Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa ka jira xaalado abaareed oo aad u daran kadib markii labo xilli roobaad oo xiriir ah ay baaqdeen, gaar ahaan kuwa saameeyay Koonfurta Soomaaliya. Xilli-roobaadka...

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Samafalka Qaramada Midoobay ayaa ka deyriyay xaaladda abaaraha sii kordhaya ee ka jira guud ahaan Soomaaliya. War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen labada dhinac ayay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin abaaraha sida xawliga  ah uga sii daraya ee dalka ka jira. Qiyaastii 2.3 Malyan ayaa wajahaya biya la’aan...

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta billaabay diiwaangelinta Musharixiinta u tartameysa 9 kursi oo Golaha Shacabka ah oo todobaadkii hore uu isla guddigaan shaaciyay. 20ka illaa 22-ka November 2021 waxaa kaararka aqoonsiga qaadanaya Musharixiinta u tartameysa sagaalka kursi, waxaana ay marayaan buuxinta shuruudaha uu diyaariyay...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jiray gigada diyaaradaha Berbera oo ay howlo dayactir iyo ballaadhinba muddo seddex sana ah ka socdeen la soo gabagabeeyey. Garoonka oo qaar ka mid ah dowladdaha caalamka ay taageereen Somaliland ayaa ka mid ah kuwa ugu wanaagsan qaraadda Afrika dhanka dhismaha. Garoonkan ayaa lagu wadaa inuu noqon...

Xildhibaanada Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2022. Fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga Baarlamanka ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda oo ka kooban $354,093,039, islamarkaana ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Puntland. Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 45 mudane ayaa 44 kamid ah u codeeyeen ansixinta Miisaaniyadda,...

Ilaalada kacaanka Iran ayaa shaaciyay in markabka ay ku qabteen gacanka khaliijka,kadib markii lagu eedeyay in uu tahriibinayey shidaal. Korneyl ka tirsan Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in 11 ka mid ah shaqaalihii markabka ajnabiga ay leeyihiin la xiray. Korneylka ma uusan sheegin magaca dalka laga leeyahay markabka iyo xilliga ay gacanta ku dhigeen. Dhacdadan ayaa noqonaysa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KG  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) shaacinta 11-ka kursi ee ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ee Koofur galbeed kuwaas oo dhawaan la qaban doono . Sida ay isku waafaqeen...

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyay shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta iyo xilliga is-diiwaangelinta, sida uu dhigayay Habraacii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ahaa in lacagta diiwaan gelinta Musharaxiinta lagu shubo Akoonada Bankiga Dhexe uu ku leeyahay Bangiyada gaarka loo leeyahay. Galmudug ayaa noqoneysa Maamul Goboleedkii u horreeyay ee dhaqan geliya heshiiskii...

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa bogaadinayay guddiyada doorashooyinka ee Soomaliland iyo Galmudug oo ku bilaabay doorashada kuraasta Golaha Shacabka waqtigii loogu talagalay. Guddiyada ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay ku wargalinayaan  guddiyada doorashada maamullada aysan weli ka bilaaban doorashadu in ay dadejiyaan Doorashada Golaha...