Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaaday saldhig ay ciidan ka tirsan maamulka Jubaland ku leeyihiin deegaanka Dhoobleey ee gobolka Jubada hoose. Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha ee Jubaland ayaa BBC-da u xaqiijiyay khasaaraha dhankooda ka soo gaaray weerarka, wuxuuna sheegay in laga dilay hal askari isla markaana uu gubtay...

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar. Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid agaasimihii Radio Muqdisho, C/caziz Maxamuud Guuleed Afrika oo Al-Shabaab xalay qarax ismaadaamin ah ku dileen. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri :”  Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday...

Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex Ruux ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay gaajo iyo oon ugu geeriyoodeen degaano hoostaga degmada luuq ee Gobolka Gedo, kuwaas oo kasoo barakacay degaannadooda. Guddoomiyaha degmada luuq ee Gobolka Gedo Cali Kediye Axmed ayaa sheegay in Saddexda Ruux ee geeriyootay laba kamid ah ahaayeen Carruur, kuwaas oo uu sheegay inay geeriyoodeen...

Dowladda Canada ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay si deg-deg ah uga baxaan waddanka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay waaxda socdaalka ee dalkaas. “Hadii aad ku sugan tahay Itoobiya, si deg-deg ah dalkaas uga bax. Aad ayay u xaddidan tahay awoodda aan ku bixin karno kaalmada qunsuliyadeed” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Canada. “Ka...

Sida uu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay Fadlallah Burma Nasir oo ah Madaxa Xisbiga Ummadda ee dalka Suudaan, Millateriga Suudaan ay qorsheynaya inay dib u soo celiyaan Ra’isul Wasaaraha xilka laga tuuray ee Abdalla Hamdok, kaddib heshiis laga gaaray xaaladda dalkaas. Nasir ayaa sheegay in Hamdok uu soo dhisi doonaa gole wasiiro oo madax-bannaan, isla markaanaa...

Agaasimihii Radio Muqdisho weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika ayaa ku dhintay qarax caawa ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Jubba iyo taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen agaasimayaasha taleefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho Sharma’arke Maxamed Warsame iyo Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, oo uu wehliyo...

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa ka fal celiyey xil ka qaadistii lagu sameeyey maanta, isagoo ku tilmaamey talaabadaasi wax aan wanaag saneyn. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdulrasaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa wax layaab leh ku tilmaamey hannaankii iyo war gelin la’aantii lagu sameeyey xil ka qaadistiisa, inkastoo uu qirey...

Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay Inta u dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo daljirka Dahsoon sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta qaar ka mid ah dadka deegaanka. Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku yaallaan Maqaayado iyo kaalin Shidaal waxaa qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaari. Wariye Cabdicasiis Maxamuud Afrika oo ah Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa ku dhaawacmay Qarax oo la...

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos). Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah: Maxamed...