Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Taliban ayaa soo saartay go’aan ay ku joojineyso guurka qasabka ah ee Afgaanistaan, iyadoo sheegtay in haweenka aan loo tixgalin “hanti” oo ay tahay in ay ogolaadaan guurka, laakiin su’aalaha ayaa weli ah in kooxda xukunka ku soo noqotay bartamihii Ogosto ay kordhin doonto xuquuqda haweenka ee shaqada iyo waxbarashada. . Wareegtadan ayaa waxaa Jimcihii ku dhawaaqay...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay Jimcihii in ciidamada badda caalamiga ah ay sii wadaan adeegsiga dhammaan hababka lagama maarmaanka ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda Soomaaliya laakiin dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in afartii sano ee lasoo dhaafay aysan dhicin falal burcadnimo loona baahan yahay xilligii lasoo afjari...

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta tirada asbuucii la soo dhaafay ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 4,577 xaalado cusub oo COVID-19 ah asbuucii la soo dhaafay, 4 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 279 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya...

Waxaa weli aanan dhinacna u dhicin xaaladdii iyo xiisaddii dagaal ee ka taagnayd magaalada Boosaaso kadib xil ka qaadistii la diiday ee madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku sameeyay taliya ciidamada PSF. Wararka ka imaanaya magaalada waxa ay sheegayaan in weli magaalada ay kusii gurmayaan ciidamada Puntland qeybahooda kala duwan, halka ciidamada PSF-ta...

Wasiirka Wasaaradda  Cadaallada Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa  Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen  Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen uga tacsiyadeeyay, kuwaas oo xaley gacan ka xaq daran ugu dishey magaalada Muqdisho. “Falakaan foosha xun markuu dhacay waxaan la xiriirey hayadaha amniga ee...

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal qorsheysan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen xaafado ka tirsan Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer. Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaa ay ku baarayeen Guryaha qaar iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka isticmaalaya, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid...

Qaar kamid ah Ehellada Sakariye Maxamuud kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge oo wada dhashay kuwaas oo xalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku dileen Muqdisho ayaa sheegay in aan la Aasi doonin meydadka ilaa Cadaalad loo helo. Cabdirashiir Maxamuud Xuseen oo la dhashay Wiilka & Gabadha la dilay ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen in aan la Aasin meydadka ilaa la...

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa waxaa uu ymid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldbiga Ciidamada jubbaland ku leeyihin degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo,...

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay tuulada Buulo Xaaji oo 90-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday dad Shacab ah. Qaraxa miino ayaa qabsaday Gaari ay wateen dad Shacab ah oo Xoolo biyo ugu doonayay, waxaana la sheegay inay geeriyoodeen Afar Dhalinyaro ah oo...

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan Midowga Musharrixiinta. Cumar Cabdirashiid oo Afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa ku maqnaa dalka dibaddiisa, wuxuuna Maanta ka hadlay ujeedka...