Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Colombia ayaa Axaddii sheegtay inay isha ku hayso dhaqdhaaqyo ay kooxda Xizbullah ee Shiicada ah ka waddo dalkaas, ayada oo ku eedeysay inay fuliso falal dambiyeed. “Laba bil kahor waxaan ku qasbanaanay inaan la tacaalno xaalad keentay inaan abaabulno howlgal lagu qabtay laguna eryey laba dambiilayaal oo ay shaqaaleysay kooxda Xizbullah, oo ujeedkoodu ahaa inay falal...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka ambabaxay 3-dii Galabnimo ee maanta ayaa Dhuusamareeb ka billaabaya kormeyrka uu ku sameynayo goobaha loo asteeyay in lagu doorto Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS. Rooble ayaa Dhuusamareeb kula kulmaya Madaxda DG Galmudug, Guddiyada hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-Goboleed & Xalinta...

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal ballaaran saacadihii la soo dhaafay ka fuliyay Degmooyinka Hawlwadaag, Yaaqshiid iyo degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho. Saraakiil ka tirsan NISA ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu soo qabtay saddex ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa  Deegaanka...

Waxaa dib loo dhigay Shir madaxeedkii wadamada Urur Goboleedka IGAD, kaas oo la filayay in uu Maanta oo Isniin ah ka qabsoomo Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda. Shirkaas oo looga hadli lahaa xaaladaha dagaalka ka socda dalka Itoobiya iyo  xasaradaha kajira dalka Suudaan, waxaana lagu casuumay oo ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday...

Duqa Magaaladda Beladweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin iyo hay’adaha Amniga ayaa maanta la wareegay Qalabka loogu talo galay Doorashooyinka Golaha Shacabka ee lagu qabanayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka hiiraan. Marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay muhiimada aay leedahay in Doorashada ay ka dhacdo magaalada Beledweyne sidoo kalane ugu baaqday shacabka Reer...

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta booqasho ku tegay Garoowe. Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland , Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash) ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha...

Waxaa Maanta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka furmay shir looga hadlayo xaaladaha Abaaraha ee degaannada Hir-Shabeelle, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gargaarka Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle. Shirka ayaa waxaa diirada siweyn loogu saarayaa abaaraha kajiro Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle, sida uu sheegay agaasimaha Wasaaradda Gargaarka Dowlad...

Maamulka Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah ka dhaqan gelinaya Magaalada Garoowe siyaasad lagu tayaynayo amniga caasimadda Garowe, taas oo ay horay u ansaxiyeen Golaha Wasiirada Maamulkaasi Puntland. Sharcigaan ayaa waxaa caasimadda Garoowe ka mamnuucayaa hubka sharciga aan lahayn ee lagu dhex-wato ama lala soo galo Magaalada, sidoo kalena uu xadidayo Ciidanka hubka ku...

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka Golaha Shacabka ay billaawdeen, isla markaana todobaadkaan 9 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ay dooran doonaan. Wuxuu sidoo kale sheegay in sidoo kale Maalmaha soo socda dowlad Goboleedyada ay soo gudbin doonaan liiska musharixiinta Golaha...

Iyada oo xalay uu shaaciyay in hoggaanka Ahlusunna ay diideen wada-hadallo dhex-dhexaadin ah Janeraal Aadan Abshir Nuure (laba Afle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa hadalkaasi beeniyay hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca. Cabdisalaan Aadan Xuseen Madaxa siyaasadda Ahlusunna ayaa sheegay in aysan jirin diidmo ay ka muujiyeen in la wada hadlo balse Janeraal...