Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyada oo gaadiidka dadweynaha & kuwa gaarka loo leeyahay laga celinayo qaar kamid ah jidadka. Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah qeybo ka mid ah Warshadaha, Soddonka & isgoysyo kale oo muhiim u ah dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho. Ciidamada...

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ilaa bisha Diseembar, waxayna ugu baaqeen maamulada Soomaaliya in ay qabtaan doorashooyinka “dib u dhac dambe la’aan ah.” Qoraalka oo ka kooban 13-bog oo ay soo diyaarisay Britain ayaa waxaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay...

Tallaalkii Covid-19 ee loogu deeqay dalka Soomaaliya oo kamid aheyd dalalka ka faa’iideystay mashruuca COVAX oo ay hirgelisay Hay’adda caafimaadka Adduunka (WHO) oo kaashaneysa isbaaheysiyo dhowr ah ayaa waxa laga dejiyay dalka Kenya. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in tallaalkaas oo ah nooca Covaxin oo lagu sameeyay dalka India laga dejiyay magaalada Nairobi ee dalka...

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday dhaqtarkii Soomaaliya ugu wanaagsanaa daaweynta cudurada neef-mareenka ku dhaca iyo Tiibashada Dr. Xeydar Cali Raage oo ku takhasusay cudurka Tiibashada “TB”. Dr. Xeydar Cali Raage oo mudo ka badan 40 sano ka howlgalayay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu xarun caafimaad oo lagu daweeyo dadka qaba cudurka TB-da uu ku lahaa degmada...

Midowga Yurub ayaa hakiyey lacagtii tooska aheyd ee uu ku kabi jiray miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee dhaqaalaha ka faallooda ee The Economist. Lacagta tooska ah ee Midowga Yurub uu siiyo dowladda federaalka ayaa la billaabay sanaddii 2018, ayada oo wixii markaas ka horeeyeey la marsiin jiray hay’adaha iyo ururada aan...

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dowladiisa ay dardar-galin doonto dagaalka ka dhanka ah feyriska Corona. Mr Biden ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu heli doono tallaal ku filan kaasi oo ay qaadan doonaan dhammaan dadka waawayn ee Mareykanka dabayaaqada bisha May. Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Mr Biden waxaa uu intaa ku daray in uu gobol...

Sida uu warbaahinta u sheegay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 11-ka Maarso, ergeda Soomaaliya uga qayb galeysay Maxkamadda Caddaaladda Aduunku ee uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kula la qaatay Kaaliyaha Sare ee Maxkamada Caddaaladda Adduunka...

Waxaa xalay geeriyooday Madaxweynihii afaraad ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed oo isbitaal ku yaal Nairobi ku geeriyooday, maalmihii lasoo dhaafayna xanuunka safmarka ah ee Corona uu la ildarnaa. Waxaan halkaan kusoo koobeynaa taariikh nololeedkii Allaha u naxariistee Cali Mahdi iyo waxa lagu xusuusan doono. Cali Mahdi Maxamed waxaa uu ku dhashay tuullada Caddoow-uul...

Golaha Ammaanka QM ayaa la filayaa inay mar kale maalinta Jimcaha kulan ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya, xilli weli dalka uu ka jiro muran la xiriira arrimaha doorashada. Fadhiga Golaha Ammaanka waxaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimo badan, balse arrimaha Soomaaliya marka ay tahay si gaar ah ayaa loo dul istaagi doonaa oo loo qiimeyn doonaa, balse arrimaha kale ee...