Mas’uuliyiinta dowladda ku sugan Hogue oo la kulmay Kaaliyaha Sare ee Maxkamada ICJ

by admin | Thursday, Mar 11, 2021 | 331 views

Sida uu warbaahinta u sheegay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 11-ka Maarso, ergeda Soomaaliya uga qayb galeysay Maxkamadda Caddaaladda Aduunku ee uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kula la qaatay Kaaliyaha Sare ee Maxkamada Caddaaladda Adduunka Mr. Philippe Gautier.
Kulankan ayaa ku saleysnaa dhammaystirka diyaar garowga soo bandhigdda garanqsiga Soomaaliye ee ku aaddan dacwadda.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixinaya kulankii maanta ay la yeesheen Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isagoo tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar garoowday soo bandhigidda dacwaddeed a oo socon doonta inta u dhaxaysa 15-24 bishan Maarso.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku kalsoontahay xaq-ahaanshaha gal dacwadeedkeeda iyo qareennada sharciyeed ee ku matalaya dacwaddan ay garwadeenka ay ka tahay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

Like it? Share it!

Leave A Response