Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Dowladda Mareykanka ayaa horay u saartay digniin ku socota dadka xilalka haya ee heysta dhalashada Mareykanka, taasoo ku wajadneyd Madaxda xilalka heysa uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto in ay dib uga soo celiso dhalashooyinka Mareykanka Shaqsiyaadka xil doonka ka ah meel aan aheyn...

Waxaa la xaqiijiyay goordhow in uu dhaawicii soo gaaray u geeriyooday guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) kaas oo ku dhaawacmay qarixii ka dhex dhacay 24kii Bishii July ee sanadkaan Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir. Dhaawaca guddoomiyihii Gobolkan Banaadir oo lagu daweeynayay Isbitaalka Hamad ee magaalada Doxa...

Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure), kaasoo ahaa Suldaankii Beesha Samaale, ayaa xalay ugu geeriyooday magaalada Kismaayo dhaawac kasoo gaaray kadib markii qof hubeysan uu halkaas ku toogtay. Geerida Suldaanka waxaa xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan golaha Shacabka, isagoo mas’uuliyada dilkaasna dusha u saariyay maamulka Jubaland...

Beelaha Hawiye ayaa la filayaa in kulan weyn ay maanta ku yeeshaan hotel-ka H ee magaalada Muqdisho, sida ay xubno ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulankan u xaqiijiyeen Caasimada Online.Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galaya siyaasiyiinta, xildhibaanada, aqoonyahanada, odayaasha iyo waxgaradka kale ee beesha, waxaana uu ka kooban yahay laba ujeedo. Ujeedada koowaad ah ayaa...

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif.Cunaqabateynkan ayaa wuxuu saameynaya dhammaan hantida uu Mr Zariff uu Mareykanka ku leeyahay in la xayiro” ayey tiri wasaaradda maaliyadda. “Javad Zarif wuxuu meel mariyaa siyaasadaha khatarta leh ee hoggaamiyaha ruuxiga Iran Ayatollah Ali Khamenei”...

Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Fadaralka Soomaaliya oo ay wehliyaan Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Ahna Taliye Ku xigeenka Ciidanka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Cutubka ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga Ciidanka Soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa Mudo...

Rag hubeysan ayaa xalay salaadii Maqrib kadib waxaa ay Nabadoon Caan ka ahaa deegaananda Jubbooyinka ay xalay ku toogteen Magalada kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Suldaan Rashiid Dhurre Cumar ayaa xilligii la dilayay waxa uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday Salaadii Maqrib oo ku yaalla halka loo yaqaano Dalcad...

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaradka Carabta Anwar Gargaash oo ka hadlay maqaalkii uu daabacay wargeyska New York Times ee looga hadlay in Qatar ku lug laheyd qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in taasi ay cadeyn u tahay xiriirka Qatar ay la leedahay argagixisada. Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “halista codka la duubay ma ahan mid...

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in maanta oo ay taariikhdu tahay 31ka July 2019 uu dhaqan galayo go’aankii ay ku dhimayeen mushaarka Ciidamada Kenya qeybta ku jirta AMISOM.Sanad miisaaniyadeedka AMISOM ayaa ka billowda bartamaha sanadkasta waxaana Midowga Yurub horay u sheegay in uu go’aankan ku dhaqaaqayo. Lacagta Dowladda ku hesho Magaca howlgalka AMISOM ayaa lagu...

Xooggaga Al-Shabaab ayaa shalay Galab gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ku dilay nin ay sheegeen inuu sameeyey falkii Qowmu Luud oo kale.Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Buq Goosaar oo qiyaastii 50 KM dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa goobta ka akhriyay xukunka...