Ayax baabi’iyay Beero ku yaal Gobolka Mudug

by admin | Sunday, Dec 13, 2020 | 434 views

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Ayax farabadan oo ku habsaday beero farabadan oo ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, waxaana uu baabi’iyay dalagyo ku yaalla Beerahaas.

Beeraha uu Ayaxa ku habsaday ayaa badi waxaa ku yaalla Khudaarka Babaayga, waxaana qaar kamid ah Beeraleyda ay sheegeen in Ayaxa uu baabi’iyay ilaa dhowr hektar oo uu ka baxayay Babaayga.

Ayaxa  ayaa sidoo kale aad u xaalufiyey beeraha iyo dhuldaaqsimeedka ku yaala duleedka Gaalkacyo, kaas oo diirtay kumanaan nooc oo geedo ah, kuwaas oo dadkii lahaay ay sheegeen in qarash farabadan uu uga baxay.

Sidoo kale Ayaxa ayaa saamayn ku yeeshay inta badan gobolada Puntland sida gobolada Bari iyo Sanaag, waxaana uu baabi’iyay dalagyo farabadan oo ku yaallay beeraha, sida ay sheegeen Beeraleyda & mas’uuuliyiin ka tirsan Puntland.

Dhinaca kale xubno ka socda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa wali wada howlgal lagula dagaalamayo Ayaxa, iyada oo  dhul badan uu ku habsaday laga kiciyay.

Like it? Share it!

Leave A Response