Maxkamad Shacri ka dhigtay xasaanad ka qaadistii 8 kamid ah Xildhibaannada Puntland

by admin | Sunday, Dec 13, 2020 | 411 views

Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maxkamadda sare ee Dowlad goboleedka Puntland inay sharci ka dhigtay xasaanad ka qaadistii golaha Wakiilada Puntland ay ku sameeyeen 8 mudane oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland.

Warar horudhac ah oo la helay ayaa sheegaya in 5 Garsoore oo dacwadda go’aaminteeda lahaa ay 4 kamid ah  isku raacday in Xasaanad ka qaadistaas ay sharci tahay halka  hal Garsoore uu diiday sharcinimada xasaanad ka qaadistaas.

Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa maanta oo axad ah la filayaa inay shaaciso Go’aan ka gaarista kiiska xasaanada looga qaaday Xildhibaannada Puntland.

Xildhibaannada xasaanada lagala noqday ayaa waxaa ay kala yihiin Magacyadooda

1: Xildhinaan Cabdijamal Cismaan

2 .Xildhibaan Cabdiqani Surato

Xildhibaan Muuse Jajabsay

Xildhibaan Baduugaaye

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

Xildhibaan Saleeban Faarax.

Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore

Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

Like it? Share it!

Leave A Response