Hanti-dhowrka oo shaaciyey magacyada wasiiro iyo xildhibaano hore oo ay ku maqan tahay hanti dowlad{AKHRISO}

by admin | Sunday, Dec 13, 2020 | 485 views

 Warqad ka soo baxday xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa lagu faray illaa 14 masuul oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo qaarkood horay xilalkii looga qaaday inay dib u soo celiyaan gaadiid ay dowladdu leedahay.

“Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, isagoo gudanaya waajibaadka shaqo ee ilaalinta Hantida Qaranka ayuu xafiisku tirakoob iyo xaqiijin wajigii labaad ah ku sameeyey hey’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayey soo celinta gaadiidka dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalkan ka soo baxay xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa intaas ku sii daray, “Xafiisku waxa uu ogaaday in gaadiid ku jira gacanta mas’uuliyiinta ay magacyadoodu hoos ku qoranyihiin uu yahay hanta dowladeed oo loo baahanyahay.”

Warqadan ayaa lagu cadeeyey seddax qodob oo mas’uuliyiintaas looga dalbaday inay ku soo celiyaan gaadiidkaas inta ka horeysa 26-ka bishan December, waxayna kala yihiin qodobadaas.

1 –In gaadiidka aad ku celisaan gacanta hey’adaha dowladeed ee uu idinka soo galay markii hore.

2 –In la haanshiyaha gaadiidka ay hey’aduhu ku diiwaan geliyaan magaca hey’adda dowladeed, kadib markii ay gacantooda ku soo celiyaan gaadiidka.

3 –In hey’adaha dowladdu ay si qoraal ah noogu soo gudbiyaan cadeynaha dhamaan gaadiidka loo soo celiyey iyo magaca hey’adaha lagu diiwaan geliyey ilaa 26-ka bishan.

“Xafiiska Hantidhowrka Guud waxuu idinku war-gelinayaa in dhamaan gaadiidka ku jira gacantiina aad ugu celisaan hey’adaha dowaldeed ee iska leh mudo 10 cisho gudahood ah oo ka bilaabaneysa 12-12-2020-ka” ayaa lagu yiri qoraalka Hantidhowrka Qaranka.

Qoraalkan xafiiska Hantidhowrku waxa uu ku soo gubiyey magacyada mas’uuliyiinta ay ku socoto warqadaan iyo noocyada gaadiidka laga rabo inay ku soo celiyaan hey’adihii ay horay uga qaadeen ee dowladda.

Warkan ka soo baxay xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maalmo ka hor warbixintiisii sanadlaha aheyd ee xisaab xirka dowladda ee 2019-kii lagu shaaciyey inay jiraan hey’addo badan oo aan sameyn wax xisaab xir ah sanadkii hore.

Hoos ka aqriso liiska xubnaha laga dalbaday inay soo celiyaan gaadiidka.

Like it? Share it!

Leave A Response