Cabsi laga qabo inay Al-Shabaab Muqdisho kusoo weeraraan gaadiidkii lagu qabsaday Ceel-Saliini

by admin | Tuesday, Sep 24, 2019 | 819 views

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii shalay subax ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Militariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini oo hoos taga degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Xlidhibaanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladdu aysan wali ka hadlin weerarkii jabka intaas la’eg loogu geystay ciidanka qaranka oo sida uu sheegay lagu dayacay furimaha dagaalka.

Maxamed Idiriis ayaa sheegay in wax laga wal-walo ay tahay in gaadiid iyo hub intaas la’eg oo ay ku boofsantahay astaantii ciidanka qaranka uu gacanta u galo dagaalamayaasha Al-Shabaab, taas oo fududeyn karta sida uu sheegay in ay weerarro kale uga geystaan meelaha kale ee dowladdu ay ku xooggantahay sida magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waabirigii hore ee shalay weerar ku qaaday saldhigga deegaanka Ceel-Saliini, xilligaas oo sida la sheegay aysan foojigneyn ciidamadii ku sugnaa saldhiga.

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirada weerarkii shalay ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Ceel Saliini oo u dhaxeeya Marka iyo Afgooye, halkaasoo uu ka dhacay dagaal xooggan.

Weerarka ayaa ahaa mid ku bilowday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu furtay afaafka hore ee xerada, waxaana wixii ka dambeeyay xilligaas dhacay dagaal fool ka fool ahaa oo dagaalamayaasha Al-Shabaab dhowr jiho ay kaga qaadeen xerada.

Gaadiid dagaal iyo saanad hub ah ayay ku soo bandhigeen baraha Internet-ka ee taageera, kaasoo ay kula wareegeen dagaalkii shalay.

Arrintan ayaa jawaab u aheyd war shalay ka soo baxay Saraakiisha ciidamada dowladda oo ahaa in dagaalkii shalay ay iska caabiyeen Al-Shabaab.

Hase ahaatee warar madax bannaan ayaa sheegaya in dagaalkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen xeradaas ay ku dileen tiro ka tirsan ciidanka dowladda, kulana wareegeen gaadiid dhowr ah oo iyo saanad ciidan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response