Nabadoon lagu dilay Muqdisho & faah faahin kasoo baxeysa

by admin | Tuesday, Sep 24, 2019 | 557 views

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in Duhurnimadii Maanta ay xaafada Suuqa Bacaad ee degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir ku dileen Nabadoon Caanka ahaa degmadaas, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Nabadoonka la dilaya ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon C/raxmaa Axmed Cabdulle oo ku magac dheeraa (Nabadoon Qaloosh) ,waxaana la sheegay in xilliga la dilayay uu fadhiyay goob Ganacsi oo ku taalla meel u dhow Laanta suuq Bacaad.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta tegay Ehelada marxuumka la dilay iyo Ciidamao ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Laanta Suuqa Bacaad,waxana la sheegay in Ciidamada ay sameeyeen howlgal wallow aan dilkaasi weli dad loo qaban.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilla loo geysto Askar,mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Nabadoono Caanka ah Magalada Muqdisho,iyada oo mas’uuliyada dilalkaas ay sheegtaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response