Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi uu ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Galgaduud. Ciidamo badan oo isugu jira milatari iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu diyaariyay degmada Maxaas iyo duleedkeeda, waxaana ciidankan la sheegay in kaliya sugayaan ammarkii ay ku dhaqaaqi lahaayeen. Sidoo...

Shaah ma Cabe, Waa 39 jir  dhashay Sanadkii 1984tii, Qoyskiisu waxa ay ahaayeen Reer Miyi, waxa uuna ku dhashay Deegaanka “Muluqeey” oo u dhaw “Biyacade” oo Wakhtigaa ka tirsaneed Degmada “Mahadaay” Gobalka Shabeelaha Dhexe. Halkaa oo ay Deganaayeen Aabihii Xasan Tifow iyo Hooyadii Fadumo Rooble Cadow, in kasta oo uu 39 Sano Jir ahaa Haddana waxa Alla ugu...

Seddaxdii maalin ee la soo dhaafay degmada Maxaas ee gobolka Galgaduud waxaa ka soconayay kulamo  u dhaxeeyay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud  iyo beelaha dega Hiiraan. Waxaa ku sugnaa kulamadan Waxgaradka iyo ugaasyada beelaha Hiiraan kuwaas oo tabasho ka qaba maamulka Hirshabeelle ee uu  hoggaaminayo Madaxwayne Cali Guudlaawe. Wararka  horudhaca ah ayaa sheegaya...

Magaalada Muqdisho waxaa laga ambabixiyay Ciidamo ku biiraya howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Deegaanno dhaca Bariga Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, waxaana la dardaarmay Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka. Mas’uuliyiinta la hadashay dhalinyaradaan ayaa kula dardaarmay in ay xoojiyaan ciidamada ka horreeya ee jooga...

Mid kamid ah shirkadaha diyaaradaha dalka Mareykanka ayaa shaacisay in si KMG ah u joojisay dhammaan duulimaadyadii ay sameyn jirtay, kaddib markii ay soo baxeen cillad dhanka nidaamka teknoolajiga ah. Shirkadda diyaaradaha Maraykanka ee United Airlines ayaa xaqiijisay in ay joojiyeen duulimaadyadii ay sameyn jireen, waxa ayna shirkadda sheegtay in xal loo raadinayo ciladan...

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho gaar ahaan baarista Gaadiidka, Mootooyinka iyo Dadka la socda si loo xoojiyo Amniga Caasimadda. Saraakiil katirsan Hay’adaha Ammaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidamada ay xoogga saareen hubinta Gaadiidka iyo Mootooyinka isaga kala gudba Degmooyinka Gobolka...

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in la xirxiray qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku eedeysan iney ka dambeeyeen in ciidamada dowladda isaga soo baxaan furimaha hore ee dagaalka. ⓘ Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkaan ka sheegay...

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan ayaa ka jira furimaha dagaalka ee ay ku kala sugan yihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC- Khaatumo. ⓘ labada dhinac ayaa 48 saac ee ugu dambeeyay ciidamo faro badan geeyay jiidaha ay ku kala sugan yihiin, iyadoo dadku ay bilaabeen inay isaga barakacaan magaalada Oog iyo degaanada ee ay ku sugan yihiin ciidamada SSC- Khaatumo. Labada...

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismail Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 40 Xildhibaan, Ajandaha...

Wararka aan ka heleyno degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw qarax aad u xoogan jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Maxaas, waxaana qaraxaasi la sheegay in uu ka dhacay bannaanka magaalada. Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxay oo kusoo jeeday degmada Maxaas ayaa lagu qarxiyay bannaanka magaalada, waxaana la sheegay gaarigaasi in ay fashiliyeen...