Shirkad Diyaaradeed oo joojisay Dhammaan Duulimaadyadii ay sameyn jirtay iyo Cilad…

by admin | Wednesday, Sep 6, 2023 | 87 views

Mid kamid ah shirkadaha diyaaradaha dalka Mareykanka ayaa shaacisay in si KMG ah u joojisay dhammaan duulimaadyadii ay sameyn jirtay, kaddib markii ay soo baxeen cillad dhanka nidaamka teknoolajiga ah.

Shirkadda diyaaradaha Maraykanka ee United Airlines ayaa xaqiijisay in ay joojiyeen duulimaadyadii ay sameyn jireen, waxa ayna shirkadda sheegtay in xal loo raadinayo ciladan dhinaca tiknoolajiyada ah ee soo baxday.

War kasoo baxay maamulka sare ee shirkada United Airlines ayaa lagu shaaciyay in ay joojiyeen duulimaadyadii ay sameyn jireen, waxa ayna shirkadda raaligelin u dirtay macaamiishooda inta hakad ku jiraan.

Shirkadda ayaa sheegtay in diyaaradaha hawada ku jira ay safarkooda sii wadan doonaan, balse la joojiyay diyaaradaha kale aan bixin inta laga xalinayo ciladan dhanka nidaamka teknoolajiga ah ee lagu arkay diyaaradaha shirkadda.

Like it? Share it!

Leave A Response