Hay’adaha ammaanka DFS oo kordhiyay howlgallada lagu baarayo Gaadiidka.

by admin | Wednesday, Sep 6, 2023 | 75 views

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho gaar ahaan baarista Gaadiidka, Mootooyinka iyo Dadka la socda si loo xoojiyo Amniga Caasimadda.

Saraakiil katirsan Hay’adaha Ammaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidamada ay xoogga saareen hubinta Gaadiidka iyo Mootooyinka isaga kala gudba Degmooyinka Gobolka Banaadir si loo xoojiyo nabadgalyada.

Goobo lagu hubiyo Gaadiidka oo lagu baarayo ayay Ciidamada ka sameysteen waddooyinka waa weyn & kuwa Xaafadaha dhexmara si ay xoojiyaan Amniga Magaalada Muqdisho oo is baddel xooggan ka muuqday muddooyinkii dambe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo u gaar ah amniga Muqdisho ku wareejiyay Goobaha Hubinta ee Isgoysada, halka saldhigyo iyo xarumo ay ka sameysteen xaafadaha si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah nabadgalyada.

Like it? Share it!

Leave A Response