Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo uu tegayo markiisii labaad. Ra’iisul wasaaraha iyo waxaa safarkan ku wehlinayo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, xildhibaano kamid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan. Ammaanka...

Qaaradda Afrika waxaa sanadihii u dambeeyay joogta ka noqday iskudayga Militari ee xukunka looga marooqsanayo Madaxweyneyaal qaarkood xilka xoog ku qabsaday markoodii horay iyo kuwo ku yimid doorasho ka dhacday dalkaas. Qormadaan waxa aan ku eegeynaaa laga soo billaabo 2017 ilaa 2023 Afgambigii ka dhacay waddamo dhowr ah oo dhaca Qaaradda Afrika gaar ahaan Waqooyiga, Galbeedka...

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugnaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaasi isaga baxeen saacadihii lasoo dhaafay. Ciidamada oo Jimcihii la wareegay degmada Ceelbuur ayaa shalay gelinkii dambe isaga baxay degmada , waxa ayna u ruqaansadeen dhinaca degmada Curiceel, waxaana lasoo sheegayaa...

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kormeer booqasha ah ku tagay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan xadka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Cali Guudlaawe ayaa furumaha uu tagay kula kulmay saraakiisha ciidanka xoogga dalka hoggaamineysa, waxa uuna kala hadlay sida ay diyaarka ugu yihiin dagaalka ka dhanka ah As, isagoona...

Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, Barre Maxamed, oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee Soomaaliya aa xaqiijiyay dilka taliyihii hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ee degmada Doolow, Ibraahim Hilowle. Dadka deegaanka ayaa sheegay in taliyaha lagu dhax dilay gudaha hoteel lagu magacaabo“Ibrahim Shire” kuyaalla degmada Doolow,...

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mudo ku dhaw hal bil ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug oo uu u tagay hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Asayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu ku wajahan yahay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan. ⓘ Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagaayo magaalada...

Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi saakay lagu dilay taliyihii hayádda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee degmada Doolow Ibraahim Hilowle Xuuseen. Sida aan xogta ku helnay taliyaha ayaa lagu dhax dilay gudaha hotel kuyaalla degmada Doolow, waxaana halkaasi ku dishay haweeney la sheegay in uu qabay taa oo shalay un gaartay degmada...

Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Mareykanka la saxiixatay heshiis horumarineed oo ku kacaya $92.6M, si loo hormariyo adkeysiga, xasilloonida, kobaca dhaqaalaha, iyo dowladnimada. ⓘ Wasiirka qorshaynta xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo kamid ah wasiirrada saxiixay heshiiskan, ayaa sheegay, in heshiiskan dhaqaale uu yahay mid muhiim u ah...

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo wafdi la socda ayaa goordhaw gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Axmed Karaash oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno katirsan maamulka Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay duleedka iyo gudaha magaalada Laascaanood. Wafdiga Axmed Karaash horkacayay ayaa loo galbiyay...