Haweeney Hotel ku dhax dishay Taliye katirsan Hayádda Nabad Sugida Soomaaliya

by admin | Tuesday, Aug 29, 2023 | 137 views

Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi saakay lagu dilay taliyihii hayádda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee degmada Doolow Ibraahim Hilowle Xuuseen.

Sida aan xogta ku helnay taliyaha ayaa lagu dhax dilay gudaha hotel kuyaalla degmada Doolow, waxaana halkaasi ku dishay haweeney la sheegay in uu qabay taa oo shalay un gaartay degmada Doolow.

Haweeneyda dilka geestay ayaa la sheegay in taliyaha uu ku bartay magaalada Muqdisho xilli uu shaqo u yimid, waxaana dad ku dhaw dhaw taliyaha noo sheegeen in haweeneyda iyo taliyaha uu dhax maray xiriir guur uuna shalay geeyay degmada Doolow uu degnaa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in haweeneydan dilka taliyaha u adeegsatay bistooladii uu isagu lahaa, waxa ayna dilka kaddib in muddo ah ku dhax jirtay qolkii ay ku dhax dishay taliyaha.

Ciidamo katirsan nabad sugida oo gaaray hotelka lagu dhax dilay taliyaha ayaa halkaasi ka qabtay haweeneydii dilka geesatay, waxaana ku socda baaritaanno ku aadan sababta ay u dishay ninkeeda, iyadoona la tuhmayo in dilkan uu ahaa shbirqool lagala shaqeeyay haweeneydaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response