Dowladda Maraykanka oo Soomaaliya ugu deeqday taageere dhaqaale oo dhan $92.6 million

by admin | Tuesday, Aug 29, 2023 | 83 views

Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Mareykanka la saxiixatay heshiis horumarineed oo ku kacaya $92.6M, si loo hormariyo adkeysiga, xasilloonida, kobaca dhaqaalaha, iyo dowladnimada.

Wasiirka qorshaynta xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo kamid ah wasiirrada saxiixay heshiiskan, ayaa sheegay, in heshiiskan dhaqaale uu yahay mid muhiim u ah kasoo kabashada xaaladda bini’aadantinimo ee dalka.

Wasiir Beene Beene wuxuu sheegay taageeradani inay tahay middii labaad labo sano gudaheed. Waxa uu sheegay sanadkii hore in hay’adda USIAD ay Soomaaliya ka fulisay mashaariic ku kacaysay dhaqaale dhan in ka badan $70M.

Wasiirka ayaa sheegay mashruucaan in si gaar ah loogu horumarindoono kobcinta dhaqaalaha, u adkeysiga caqabadaha, awood siinta dhalinyarada iyo haweenka iyo qorshayaasha waxbarashada carruurta.

Heshiiskan ayaa ka tarjumaya sida uu wasiirku sheegay, iskaashiga qotoda dheer ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale, wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa sheegay inay taageeradan kusoo beegantay xilli muhiim ah oo ay Soomaaliya ku jirto dagaal dalka looga xoraynayo kooxda Alshabaab.

Wasiir Biixi waxa uu sheegay in dhul badan oo la xoreeyay loo baahan yahay in la gaarsiiyo adeegyada aas aasiga ah.

Like it? Share it!

Leave A Response